Howlkarnimo iyo is-edbintu waxaa labo dabci oo lagama maarmaan u ah saxaafada wanaagsan. Waxaan halkan kugu la wadaagayaa shan talo oo aad dhaqan-gelintooda ku noqon kartid weriye wanaagsan, islamarkaas na kuu fududeynaya shaqadaada.
Warku meel walba ayuu yaal
Mid ka mid ah caqabadaha ugu weyn ee weriyeyaashu la kulmaan waa fahamka halka warka laga heli karo. Kuwo badan ayaa isku kooba madal siyaasadeed iyo shir jaraa’id oo keli ah. Laakiin warku wuu ka fudud yahay sida ay weriyeyaal badan u arki karaan, oo meelwalba ayuu yaal. Wuxuu se weriyehu u baahan yahay in uu dareen u lahaado bulshada iyo deegaanka uu ku nool yahay, iyo isbedelka dabeecadaha iyo nolosha dadka iyo deegaanka ba.
Maanta maxay shalay uga egtahay, amaba maxay uga duwan tahay? Maxaa deegaanka ka cusub? Malaha qoysas badan baa guuraya, ama kuwo cusub baa soo degay deegaanka. Amaba waxaa deegaanka ku yar socodka iyo banaan-jooga dhallinyarada. U fiirso waxwalba oo cusub, ama isbedel ah oo ku yimid deegaanka. Wax uun baa ku cusub dadka iyo deegaanka, laakiin weligaa ma ogaan doontid haddii aadan dareen u lahayn.
La hadal dadka oo xiriir la yeelo ilaha wararka
Weriyehu wuxuu qof ku yahay xiriirka kala dhaxeeya bulshada. La hadal oo la sheekeyso dadka – kuwa gaadiidka kula saaran, kuwa dukaameysanaya, iyo kuwa jardiimooyinka fadhiya – rag iyo dumar ba. Ha ula hadlin in aad cod ka duubto uun ama aad wareysi ka qabato. Dadka ula hadal oo ula sheekeyso si aad u ogaatid waxyaabaha bulshadu hadal-hayso. Wax badan oo war iyo warbixin kuu noqon kara ayaad ka dhex heli doontaa dadka.
Waxaa kale oo lagama maarmaan u ah weriyeha in uu xiriir wanaagsan u leeyahay ilaha wararka. Marnaba ma awoodi doono weriyehu in uu shaqadiisa guto haddii uusan heli karin ilaha warka iyo xiriiradooda. Sidaas darteed, waa in u weriyehu aruursadaa xiriirka dadka warka sameeya, iyo kuwa jooga meelaha warka laga helo.
Sheeg war hubaal ah, oo noqo kan ugu hor sheega
Shaqada weriyennimo oo dhan waa hubsiimo, howl waqtiyeysan iyo degdegsiimo. Waa adeeg war iyo wacyigelin oo ay tahay in lagu kalsoonaan karo. Sidaas darteed, weriye waa in uu noqdaa qof ay kalsoon ku qabi karaan akhristeyaasha, dhegeysteyaasha iyo daawadeyaasha ba. Waa in uu noqdaa qof eraygiisu biyo kama dhibcaan yahay, oo hubsiimada ku dheereeya. Hubnaanta iyo dhab-ka-hadalku waa labo udub oo asal u ah weriyennimo. Xitaa waxa ay ka horreeyaan degdegsiimo war-u-gudbinta.
War la hubo oo aad lasoo daahdo ayaa ka roon war aan la hubin oo aad la soo deg degto. Se waxaa ka sii roon war hubaal ah oo aad la deg degto sababtoo ah warbaahin waa hubnaasho iyo degdegsiimo wada socda. War la qabaa, xiiso ma leh. Weriyeha wanaagsan waxa uu dadka ula deg degaa war la hubiyay, oo cusub islamarkaasna xiiso u leh dadweynaha. Dhaqaaq, soco oo noqo weriyeha hor sheega war hubaal oo cusub.
U qor, una dheh sida ugu fudud
Waa muhiim in uu weriyehu u qoro una akhriyo warka sida ugu fudud ee loo fahmi karo iyada oo aan waxba loo dhimin xiisaha warbixinta. Waxba waqti ha ku lumin adeegsiga erayo adag oo aysan dadku wada fahmi karin. Xulo erayba kan uu ka fudud yahay iyo jumlad ba ta ay ka kooban tahay oo xogta u kala horreysii sida ay u kala mudan tahay si warkaadu u noqdo mid aan lagu dawakhin.
Hubi waxwalba kahor inta aadan baahin
Qalad yar oo dhaca ayaa saameyn weyn ku reebi kara mustaqbalka weriyeha iyo xarunta uu ka shaqeeya ba. Sidaas darteed, waa in uu weriyehu iska hubiyaa dhigaalka qoraalka, magacyada iyo xilalka dadka, iyo xigashooyinka uu xushay oo dhan. Dunida sharcigu sareeyo, weriyeha iyo xarunta uu ka shaqeeya ba waxay ganaax iyo ciqaab weyn ku muteysan karaan gef yar oo kama’ ku dhaca sida qof magaciisa iyo xilkiisa si aan sax ahayn loo sheego.