Go’aansashada in dhacdo ama xog gaar ah war ahaan loo tebin karo waxaa jaangooyaa warudhigmidda dhacdadda (Newsworthiness), oo ah astaamo dhacdada laga eego. Waxaa ka mida waqtiga (Timeline), caannimada dhacdada iyo cidda ay quseyso (Prominence), saameynteeda (Impact) iyo filashola’aanteeda (Unexpectedness).
Mid iyo dhowr ka mida astaamahaas ayaa weriyaha ku riixi kara in uu doorto dhacdo uu dadka u tebinayo. Mararka qaarna waxaa dhici karta in dhacdada oo summadihii ay qimo wareed ku yeelan lahayd wadata, haddana loo heli waayo xaqiijin dhammeystiran.
Qormocilmiyeed uu faafiyay nin lagu magacaabo Graig Silverman ayaa waxa uu ku soo uruuriyay talooyin ay weriyayaal caan ah soo gudbiyeen oo ku saabsan sida looga dabaasho howsha tebinta sheekooyin xan iyo la xiriira xogo aan sugnayn (rumors), se war u dhigama. Mid ka mida talooyinka ayaa waxaa laga soo ergeystay Jack Werner, oo tafaftiraha warbaahinta bulshada (Social Media editor) ka ah wargeyska Metro Sweden, waxaana uu yiri:
“U soo tebi sheekada qaab daahfuran, adiga oo mar kasta faahfaahinaya sida aad ku soo heshay sheekada, sababta aad uga shakisan tahay runnimadeeda, iyo hababka aad adeegsatay si aad u haleesho xaqiiqada. Isku day in aad sheekada u qaabeyso sida ugu fudud ee ay akhristaha/ dhegeystaha u xiisogelin karto.”
Sidii ay ahaataba, ladegdegidda qodobwareed xiiso leh, se aanan xaqiiqadiisa weli la hubin waa wax aanan howsha weriyaha iyo warbaahintaba u habboonayn. BBC-du waxaa ay halkudheg ka samaysatay: Dhabnimada ayaa aad uga muhiimsan dhaqsaha (Accuracy is more important than speed.)