Weriye waa warbaahin aqooneed oo soo bandhigta aqoon, talo waayo-arag, khibrad, xog hagis iyo hoge-tusaale u noqon karta weriyaha, hay’adaha warbaahinta, iyo qof walba oo xiiso iyo himilo u leh xirfadda weriyennimo.
Wuxuu soo gudbinayaa qoraallo kooban, buugaag, iyo aqoon-baaris tilmaan ka bixinaya howlaha iyo hab-dhaqanka warbaahinta Soomaaliyeed. Xogtaas waxa ay tixraac iyo sees aqooneed u noqoneysaa weriyaha, oo ay u fududeyn karto gudashada shaqo-maalmeedkiisa iyo horumarinta xirfaddiisa wartebin.
Weriye wuxuu sidoo kale bixinayaa fursado tababar oo fool-ka-fool ah, kuwo online ah, sidoo kale hagis iyo talo bixin joogto ah ayuu u sameynayaa warfidiyeenka Soomaaliyeed. Adeegyadaas waxaa fulinaya khubarro Soomaali ah oo waayo-aragnimo shaqo iyo mid aqooneedba u leh warbaahinta, islamarkaasna u tababaran macalinnimo iyo aqoon-gudbin. Waa khubarro muddo dheer tababar siinayay weriyeyaal Soomaali ah iyo kuwo ajnebi ahba.
Ujeeddada Weriye waa in weriyaha Soomaaliyeed loo leyliyo in uu noqdo mid leh xirfad, garasho, iyo baraarug uu ku xisaabiyo kuwa awoodda leh, iyo kuwa loo igmado u adeegga bulsho, isaga oo aan ka gudbin xeerka iyo xeyndaabka sharciga. Waa in weriyaha Soomaaliyeed loo carbiyo cod iyo awoodsiinta dadka aan mar walba la maqal, ama aan muuqan.
Gundhigga ujeeddada Weriye waa in la culo oo la soofeeyo xirfadda, kartida iyo garaadka weriyaha si uu awood ugu yeesho soo gudbinta xog waxtar leh, oo hubaal ah, islamarkaasna loogu caddaalad iyo xilkasnimo falay dhammaan dhinacyada ay khuseyso, iyo akhristeyaasha/dhegeysteyaasha iyo daawadeyaashaba. Hiigsiga Weriye waa awood-gelinta warbaahin xor ah oo aqoon iyo xilkasnimo ku dhisan.