Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayay aasaaskii hay’adda SOS oo toddobaatan sano ka soo wareegatay ayaa lagu qabtay tuulada SOS ee magaalada Muqdisho.
Xafladan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay hay’ada SOS Soomaaliya,dhakhaatiir,haween,qaar ka mid ah caruurta lagu xanaaneeyo tuulada SOS iyo marti sharaf kale.
Munaasabadan ayaa lagu soo bandhigay riwaayado iyo barnaamijyo ka tarjumayay waxqabadka hay’ada SOS Soomaaliya taasoo carruur ka mid ah kuwa lagu xanaaneeyo magaalada Muqdisho ay soo bandhigeen.
Agaasimaha ee tuulada SOS ee magaalada Muqdisho Xuseen Faarax Aadan oo ka hadlay munaasabadan ayaa ka warbixiyey heerarkii ay soo martay SOS isagoo xusay in tuulada SOS Soomaaliya ee magaalada Muqdisho la aasaasay sanadkii 1985tii ayna soo martay marxalado kala duwan.
Munaasabadan ayaa waxaa ugu dambeyntii ka hadlay Agaasimaha Isbitaalka SOS Somaliya Dr Maxamed Macalin Dhaqane kuna hadlayay magaca oo ku hadlayay magaca agaasimaha guud ee SOS.
“Guud ahaan caalamka waxaa ka jira 572 tuulo SOS waa urur aan dowli ahayn waxaana uu ka howlgalaa 135 dal waxaana ujeedka ururka uu yahay sidii ilmo walba oo caalamka ku nool uu ugu barbaari lahaa jaceyl,xushmad iyo amni.”ayuu yiri Maxamed Macalin Dhaqane.
SOS oo dalka Soomaaliya ka howlgalaysay illaa iyo sanadkii 1985kii ayaa waxaa ay ka howlgashaa magaalada Muqdisho,Baydhabo,Xudur,Cel Barde iyo Diinsoor.