Maxaa la gudboon weriyaha qaadaya wareysi saxaafadeed?

0
2556

Wareysigu waa wadasheekaysi uu weriyuhu la yeesho ilo-wareedyadiisa isaga oo doonaya in uu helo xog uu dadka la wadaago. Waxaa jira laba nooc oo wareysiyada ay weriyayaashu qaadaan ka mid ah oo kala ah:

  1. Wareysi-wareed (News interview): Ujeedkiisu waa helitaanka xog dheeraad ah oo faahfaahinaysa dhacdo ama xaalad markaas ka hor war ahaan loo soo tebiyay; tusaale ahaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka laga wareysto sida uu u arko mooshin kalsooni-kala-noqosho ah oo ay xildhibaannadu ka keeneen madaxweynaha.
  2. Wareysi taariikhnololeed (profile): Waxaa diiradda lagu saaraa arrimo ku saabsan shakhsiyaad iyo noloshooda; tusaale ahaan in fannaan caan ah laga wareysto taariikhdiisa.

Maadaama wareysigu beegsanayo helidda xog uu qof kale haayo, waa lamahuraan in la adeegsado xeelado iyo xirfado weriyaha u fududeynaya ka mirodhalinta howshiisaas. Haleelidda iyo helitaanka lawareystaha oo lagu daray hanashada iyo habsami-u- socodsiinta wareysiga ayaa weriyaha gaarsiin kara gebogebo wanaagsan oo ay howshiisu yeelato.  Qaybaha soo socda ee qormada waxa aan ku soo gudbinaynaa tabab iyo talooyin guud oo toosin iyo tilmaamid waxkuool ah siin kara weriyaha doonaya in uu qaado wareysi taabagala.

A. Diyaargarowga hore:

Weriyaha u qalabqaadanaya lakulanka iyo wareysiga qof uu xog ka doonayo, waxa uu la mid yahay sida qof u tabaabushaysanaya socdaal uu meel ku tegayo. Qofka safarka u baxaya waxaa la gudboon in uu ka sii fekero wax walba oo la xiriira socdaalkiisa, oo taakulo u noqon kara amase turaanturo ku noqon kara. Sidaas oo kale, weriyaha doonaya in uu wareysi qaado waxaa uusan hureyn in uu marka hore sii baaro xogta ku saabsan arrinta uu wareysigiisu ku qotomo. Haddii aad wareysanayso siyaasi ama qof mas’uul ah, isku day in aad wax ka sii ogaato arrimaha sooyaalka ah ee la xiriira qofkaas (sida xilal hore oo uu qabtay, go’aanno uu hore u qaatay ama hadallo uu mar jeediyay oo saamayn reebay, dhaliillo ay dadku u soo jeediyaan siyaasadihiisa; IQK).

Marka laga hadlayo diyaargarowga weriyaha ee ka horreeya qaadista wareysiga, waxaa bahda warfaafinta dhexdooda caan ka ah labada eray ee ‘Persistence and Preparation’ oo ah joogteyn iyo tabaabusho, kuwaas oo sal looga dhigo qabsoomidda wareysi saxaafadeed qurxoon. Kan hore ee ‘Persistence’ waxa uu la xiriiraa qancinta qofka aad wareysanayso si aad uga dhaadhiciso in uu kula hadlo. Midka dambe ee ‘Preparation’ isna waa in aad daqiiqado kooban ku bixiso indho-indheynta sheekooyinka la xiriira hadba dhacdada aad wareysiga ka doonayso.

Haddii aad wareysanayso wasiir ka hadlaya waxqabadka wasaaraddiisa, marka hore soo baar shaqooyinka wasaaradda ka jira si aad u hesho xog aad u barbardhigan karto tan uu wasiirku sheeganayo. Maanka ku haay in shaqada weriyuhu ay tahay sootebinta xogta runta ah, halka shaqada siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiintu ay tahay sootebinta xogta fiican.

Qofka aad wareysanayso waxa uu mar kasta danaynayaa helitaanka fursad kasta oo uu weyddiimahaaga adadag uga dhuuman karo. In uu ogaado xogyarida kaa haysata arrinta aad isaga ka wareysanayso waa mid ka mida dharbaaxooyinka kulul ee weriyayaal badan ku dhaca, markaas oo uu wareysigu isu rogo cashar weriyaha la barayo. Si aad u hanato majaraha wareysiga waxaa habboon in aad soo diyaargarowdo adiga oo ogaal iyo aqoon fiican ka soo qaadanaya arrinta aad qofka ka wareysan rabto.

B. Inta wareysiga lagu gudajiro:

Marka aad ka soo gudubto tallaabooyinka gogolxaarka u ah wareysigaaga, oo aad ku guuleysato in adiga oo u diyaar ah aad hesho, la hadasho oo kana dhaadhiciso lawareystahaaga in uu kula hadlo, waxaa halkaas kaaga billaabanaya howlgalka wareysiga. Si la mid ah sida aad billowgaba u soo xeeladaysatay, wareysiga inta uu socdona ka ma maarmaysid in aad jeexato dhabbe quman oo aad uga fogaato carqalad kasta oo howshaada la soo gudboonaata. Qaybaha hoose waa tilmaamo guud oo ku saabsan sida loo maareyn karo socodsiinta wareysiga.

  • Abuur jawi nabdoon

Muhiimadda ugu weyn wareysigaagu ma aha in aad weyddiimo kuu qoran la wadaagto qof kale, ee waa in aad weyddiimahaaga u hesho warcelin habboon. Sidaas darteed, ka feejignow oo ka fogow abuuridda xaalad kasta oo wareysiga u ekaysiinaysa weerar iyo difaac. Si kasta oo aad u doonayso helitaanka xog laga yaabo in qofka aad wareysanayso uusan jeclayn in uu dhiibo, haddana xariifnimadaada ayaa ay ku xiran tahay in aad si nabdoon u hesho jawaabaha.

  • Weyddiimo habboon:

Diyaarso weyddiimo habboon oo xiriirna la leh mowduuca, si aad uga fogaato fahamxumo uu lawareystuhu ka qaado su’aalahaaga, markaas oo uu wareysigu luminaayo diiraddiisa. Haddii ay dhacdo in lawareystuhu uu ka jawaabi waayo su’aasha aad weyddiisay, waxaa kuu furan in aad isla weyddiinta ku soo celiso, adiga oo si xirfadaysan oo xanaf lahayn u dhigaaya, sida in aad tiraa “Waxaa laga yaabaa in aanad i fahmin, ee waxaan ula jeeday…”. Ha u la hadlin qofka qaab canaan iyo caro leh, sida adiga oo dhahaaya “Ha ka meermeeraysan su’aashayda ee ka jawaab”.

Marka uu lawareystuhu si toos ah u diido kawarcelinta weyddiimahaaga qaarkood, ha ku adkeysan in aad ku celceliso ee u gudub weyddiimaha kale, si aad hadhow marka aad wareysiga soo tebinayso u xusto in weyddiimaha qaar uu lawraeystuhu ka jawaabi waayay. Hase ahaatee, iska ilaali in aad diidmada uu lawareystuhu sameeyay adigu sababayn iyo macno kuu gaar ah siiso, sida in aad tiraa “Waxay u muuqatay in sababta uu wasiirku uga gaabsaday weyddiintaas ay tahay in uu ku lug leeyahay musuqmaasuqa lagu soo eedeeyay”. Adiga howshaadu waxa ay ku eg tahay soo gudbinta xogta, qiimeynta iyo aragtidhiibashadase waxaa leh dheggeystayaasha.

Haddii ay dhacdo in hadalladaada qaarkood uu lawareystuhu beeniyo, ha malaysan in ay beenintaasi run tahay oo ha qiran, waayo waxaa laga yaabaa in ay tahay xeelad lagu doonayo in qalqal lagugu geliyo. Taas beddelkeeda, si asluubeysan u xooji weyddiintaada adiga oo dhahaaya waxa u eg “Haddii aan khaldanahayna waan ka cudur daaranayaa, balse sow ma jirto in hore laguugu eedeeyay…..”

  • Dhegeysiga jawaabaha

Sida aan billowga qormada soo sheegnay wareysigu waa nooc wadasheekeysi ah. Marka laga hadlayo wadasheekeysiga iyo guud ahaan fanka xiriirkana (communication) waxaa la xusaa in xiriirka aan lagu dhawaaqin (Non-verbal communication) uu qaybta ugu weyn ka qaato guusha wadahadalka. Xiriirka aan lagu dhawaaqin waxaa kale oo loo yaqaan luuqad jireedka (Body Language), waxaana ugu muhiimsan dhegeysiga iyo astaamihiisa oo ay ku jiraan madaxruxidda (nodding) iyo guuxa dhegeysiga- sida ‘Ihi. Aha….’ oo loo yaqaan (listening noises). Inta aad wareysiga ha ku foorarsanaan warqad ay weyddiimo kuugu qoran yihiin. Intii aad ka sii fekeri lahayd su’aalahaaga soo socda, u dhegtaag jawaabta lawareystaha sameey  (eye contact).

  • Xakamaynta xiiseyntaada

Weriyaha wareysiga qaadaya, si kasta oo uu xiiseyn gaar ah u leeyahay, ama uu arrinta laga hadlayo aragti uga qabo, haddana waxaa saaran mas’uuliyad weyn oo ka xayiraysa in uu dhinac ka istaago qodobka; markaas oo uu wareysigii isu rogayo dood laba qof u dhexeysa. Marka laga tago in aad erayo ku muujiso aragtidaada, waxaa kale oo weriyaha laga waaniyaa in uu qaab aan toos ahayn u muujiyo dareenkiisa qofeed, sida in uu dhoolacaddeeyo, wejiga kaduudo (sida qof xanaaqsan) ama nooc kasta oo kale oo muuqaallada wejiga la xiriira (facial expressions).

Waa run in aad leedahay dareen bani’aadam oo xiiseyn iyo xanaaqba ay wehliyaan, haddana marka aad tahay weriye wareysi qaadaya, waa in aad ogaataa in howshaadu ay ku kooban tahay xogsiinta dheggeystayaashaada. Sidaas darteed, xogtii oo aan weli dheggeystaha soo gaarin haddii aad adigu ka sii falceliso, waxa ay ka dhigan tahay in aad adigu kaalintii dheggeystaha qaadanayso. Ha noqon nin reer u dhaantagay oo inta uu dhexda fadhiistay wixii laga sugaayay ay isaga ka badan waayeen.

Ugu dambeyn, sida aysan u habboonayn in aad falcelin caro xambaarsan uga hortagto lawareystaha si aanad jeclayn u jawaabaya, ayaa aysan u habboonayn in aad madaxa u ruxdo midka sida aad jeceshahay u hadlaya. Ka dhiifoonow kana dheerow dabinka sasabidda oo ay lawareystayaasha qaar uga dhuuntaan weyddiimaha weriyaha. Mar walba ahaw wakiil metelaya dheggeystayaal aan xiiso u haynin qofka, ee xiiseynaya uun qodobka.