Si kasta oo aad ugu guuleysato soo uruurinta xogta muhiimka u ah dhismaha qodobwareedkaaga, mirodhalka dadaalkaaga waxaa ka harsan in aad haleesho habka iyo hannaanka loo qoro warka. Waxaa jira qodobwareedyo badan oo akhristaha u horseeda in uu lumiyo xiisihii uu u qabay akhrinta qodobka. Sababta ugu weyn ee taas keentana waa qaabka loo qoray sheekada.
Dabeecadda sheekowareedku waa ay ka geddisan tahay tan qormooyinka falanqeynta iyo faallada ku saabsan. Warku waxa uu u samaysan yahay soo gudbinta xog la xiriirta dhacdo, bartilmaameedkiisa ugu weynna waa akhriste laga yaabo in uu waqti aan badnayn u haayo indhoindheynta qodobka si uu ogaal guud uga helo waxa markaas jira.
Sidaas darteed, dadka ku xeeldheer qorista sheekowareedku, waxa ay soo jeediyaan talooyin guud oo ay rumeysan yihiin in ay gacan ka geysan karaan dhismaha qoraal soo jiita indhaha akhristaha kuna dhiirrigeliya in uu ka gungaaro baadidoonka xogta iyo xaqiiqada uu warku xambaarsan yahay. Talooyinkaas oo aad u badan waxaa kulmin kara qodobadda soo socda:
Hordhac hagaagsan
Hordhucu (lede) waa qaybta ugu horreysa ee sheekowareedka qoran. Cinwaanka (headline) waa uu ka geddisan yahay hordhaca oo isagu waa summadda guud ee qodobka. Waxaa lagu taliyaa in hordhaca oo sadarrada ugu horreeya ee sheekada ah uu noqdo mid dherer ahaan kooban (inta u dhexeysa 35 illaa 40 eray) dhummuc ahaanse qotadheer oo ku filan in uu iftiimin dhammeystiran ka bixiyo qaybaha dambe ee qodobka. Tan waxa ay akhirstaha ku riixaysaa in uu dhammeysto qodobka.
Qoris qodbeysan
Dadka warqorista ku takhasusay waxa ay ku celceliyaan in warku uu yahay mid kooban oo xiiso leh. Marka la sii sharraxayo qaabkaan waxaa loo yaqaan qoris qodbeysan ‘writing tight’. Waxa ay ka dhigan tahay in xogta ugu badan ee la heli karo lagu soo uruuriyo erayada ugu kooban ee la qori karo. Haddii sidaas loo dhigo waa ay sahlan tahay. Hase ahaatee, waxa ay u eg tahay mid ku adag qofka sannado badan ku bixiyay qorista qormooyin cilmibaaris ah oo aad u dhaadheer. Waxaa caqabaddaan looga gudbi karaa in laga fogaado adeegsiga jumlado badan (clauses), taas beddelkeedana la qaato habka loo soo gaabiyo S-V-O (Subject-Verb-Object) oo ah iskuxiridda falsameeye, fal iyo lagufale; tusaale ‘Madaxweynaha ayaa magacaabay raysalwasaare cusub’.
Dhisid dheelitiran
Haramka dabarogan (The inverted pyramid) waa habdhismeedka aasaasiga ah ee qorista warka. Waxa ay ka dhigan tahay in xogta ugu muhiimsan la dhigo halka ugu sarreysa ee qoraalka, tan aan muhiimadda badan lahaynna la geeyo qaybaha dambe. Haddii sidaan loo dhiso qodobwareedka, waxa ay akhristaha degdegaya u fududeynaysaa in nuxurka warka uu ka helo sadarrada ugu horreeya qoraalka.
Isla arrintaan waxa ay tafaftiraha u suurtagelinaysaa in marka ay lagamamaarmaan ku noqoto sookoobidda sheekowareedka, uu ka tago qaybaha dambe isaga oo ku sii talogalay in ay ka muhiimad yar yihiin inta kore.
Xigasho xallad leh
Marka aad soo qaaddo wareyso xiiso leh oo aad la yeelatay il-wareed muhiim ah, waxa ay u badan tahay in aad ka fekerto sida aad isu haleeshiinayso soogudbinta xigashada ‘Quotes’ hadallada lawareystaha iyo baaxadda sheekowareedkaada oo la doonayo in ay koobnaato. Wariyayaashu waxa ay inta badan daneeyaan xigashada teeda ugu xiisaha badan. Si guud, xigashada hagaagsani waa tan uu qofka la soo xigtay ku sheegayo qodob xiiso leh oo uu u sheegay qaab xiiso leh. Haddii ay sidaas ahaan weydo, intii aad sii xigan lahayd adiga dib u qor ‘Paraphrasing’.
Adeegsiga toosan ee falalka iyo tilmaamaha (Verbs and Adjectives) l
Si aad u fududeyso fahmidda qodobwareedka, waxaa habboon in aad ka fiirsato falalka iyo tilmaamaha aad u xulanayso qoraalka. Adeegso kuwa la wada fahmi karo oo aan abuurayn jahwareer dhanka macnaha ah. Tusaale ahaan, in aad tiara “Baarlamaanka oo lugta ku dhuftay mooshin laga keenay madaxweynaha’, waxaa ka fudud in aad tiara “Baarlamaanka oo diiday mooshin laga keenay madaxweynaha”.
Sameey oo haddana sameey
Qorista warku, si la mid ah sida wax kasta oo kale, waxay u baahan tahay samayn iyo kucelcelin joogta ah si ay u sii horumarto. Mar kasta oo aad howsha gacanta la sii gasho, waxaa sii hagaagaysa xirfaddaada warqorista. In kasta oo warqoristu ay ku jaango’an tahay xeyndaab waqtiyeedka ay dhacdada sheekadu leedahay “deadline”, haddana waxa aad awoodi kartaa in aad samayso layliyo kuu gaar ah oo aad ku horumarinayso xirfaddaada warqoriseed. Waxaad sare u qaadi kartaa xawaaraha aad wax ku qorayso (writing speed) adiga oo naftaada ku jarribaya in ay sheekowareedyo ku soo saarto saacad ama wax ka yar.