Tababar: Aasaaska saaxafadda

0
802

INSTRUCTORS:

GUEST LECTURER – DESIGN

CATEGORIES

Course

Kusoo dhowoow Kooraska Aasaaska saxaafadda. Haddii alle idmo course kan waxaad ku baran doontaa qodobo muhiim u ah wariyenimadaada oo ay ugu horreeyaan Waa maxay War? Sidee warka loo diyaariyaa iyo anshaxa saxaafadda.

Kooraskani wuxuu u qaybsan yahay 4 qaybood oo kala ah:

  • Aasaska saxaafadda. Fahanka guud ee saxaafadda iyo sida ay u shaqayso
  • Warka iyo sharraxaaddiisa
  • Habka qoridda wararka
  • Anshaxa saxaafadda

Afartaan marka aad qaadatid waxaad awood u yeelanaysaa inaad qortid war dhamaystiran oo wanaagsan si fududna loo fahmi karo maxaa yeelay waxaad helaysaa caawiyayaal ay ka mid yihiin;

  • Casharo qoraal ah
  • Sharraxaado muuqaal ah
  • Layliyo joogto ah
  • Imtixaamaad qayb kasta uu leeyahay
  • Shaqooyin aad qabanaysid oo ah inaad war soo qortid
  • Macalin aad toos ula xiriir kartid

Intaas oo dhan waxay ku jiraan Kooraskaan waxaana aan kaa caawin karnaa warka iyo sida aad u samayn lahayd.

Haddii aad qaybtid wax su’aal ah fadlan lasoo xiriir WhatsApp Lambarka 252907791986.

Si aad u fahanto habka isdiiwaan galinta Ku dhufo halkan