Saxafi maxaa ka galay Siyaasad?

0
798
Dhallinyarada aan saaxiib ku nahay saxaafadda bulshada oo aan macluumaadka isku weydaarsanno ayaa qaar isla su’aal soo celceliyaan mar kasta oo aan wax qoro. Weriye ayaad tahay ee maxaa siyaasad kuu geeyay? Amaba waxay ii sheegaan khalad in ay ahayd in aan Danjire ama Wasiir noqdo. Qaar kale wuxuu yiraa, bal maxaa diblomaasiyad iyo siyaasad kaa galay weriye?
Weriye waan ahaa, heer wanaagsanna waan ka gaaray, waanan ku faraxsan ahay. Laakiin ma rabo horumarka aan saxaafadda ka sameeyay in aan u noqdo dhibbane, oo uu hareeyo aqoonteyda iyo khibraddeyda.
Qormadaan in waan isku fasirayaa aniga oo aan ka warrameyn khibraddeyda shaqo oo dhan ee ku soo koobaya midda Saxaafadda. Inta kale waxaan uga warrami doonaa tusaaleyaal caalamka ah oo muujinaya in ay saxaafaddu ka mid tahay mihadaha Siyaasadda looga gudbi karo.
Radio Muqdisho waxaan u shaqeeyay qiyaastii ku dhowaad siddeed sano oo ku dhammaatay burburkii Dowladda. Ka sokow xirfadda aan ka bartay, waxaan fursad u helay in aan ku kala barto Madaxda iyo hey’adaha dalka, ku dad iyo dal barto, la safro Madaxdii Qaranka qaarkood, qaarna aan wareysiyo ka qaado. Waxaan fursad u helay in aan goobjoog ka ahaado shirar muhiim ah, qaarna uu xasaasi yahay.
BBC World Service, afkeennu waa isku ammaan, labaatan sano keliya ayaan uga shaqeynayay London. Wakhtigaa marka afar loo qeybiyo meel ahaan iyo waxoogaa, waxaan weriyennimo ugu shaqeeyay Laanta Soomaaliga, Focus on Africa iyo waaxda tababbarada oo aan ka noqday tababbare sare. Ku dhowaad saddex qeybood ee kale waxaan ahaa mas’uul maamula shaqaale u badan weriyayaal, miisaaniyad,  wax soo saar iyo istaraatiijiyad maamul. Maalin kasta waxaan go’aan ka gaari jiray warar xasaasi ah oo siyaasad, amni iyo xiriir caalami ah u badan, ha noqoto laanta Soomaaliga ama Xafiisyo kale oo aan si KMG ah Madax uga noqday sida Tifatiraha Wararka Afrika iyo Bariga Dhexe iyo Madaxa fuliyaha ah ee Afrika, markaas oo aan maamulayay shaqaale lixdameeyo dal kala jooga.
Yusuf Garaad oo wareysanaya madaxweyne Cabdulaahi Yusuf (AHUN)

Waxaa intaa dheer in aan ku shaqeynayay dal uu sharcigu shaqeeyo. Xuquuqda Shaqaalaha haddii aad ku xad gudubto ama haddii iyaga dhexdoodu ay isku xadgudbaan, haddii ay wararkoodu ku xad gudbaan shakhsi, shacab, sharikad ama Dowlad, waxaa suurta-gal ah in Maxkamad la geeyo hey’adda ganaax culusna dusha laga saaro. Kuwaasi waa shaqaalaha xarunta, laakiin kuwa dalalka kale jooga waxaa khuseynaya sharciga dalka ay deggan yihiin. Sidoo kale, dal kasta oo idaacadda laga dhegeysto ama uu qoraalku gaaro waa laga dacweyn karaa saxaafaddu haddii ay gef geysato.

Sidaa darteed waxaad joogto u qaadaneysaa tababbaro la xiriira maamulka wanaagsan, habraaca xisaabaadka, dheellitirka miisaaniyadda, shuruucda shaqaalaha iyo sharciyada ka degsan xadgudubka saxaafaddu ay u geysan karto shakhsi, koox, sharikad ama Dowlad sida sumcad dil aan war sugan ku saleysneyn, amaba ka been sheegid sababtay khasaare hanti, sumcad-bi’in, khalkhal ama ka sii culus.
BBC intii aan joogay waxaan fursad u helay in aan Madaxda Soomaalida mid mid u barto, goobjoog ka ahaado shirar iyo heshiisyo dhex maraya laba dhinac ama ka badan. Waxaan iyagana hor fariistay oo aan wareystay Madax badan oo dalalka Geeska Afrika iyo caalamka kale ah, aniga oo inta badan kala hadlayay mowqidkooda iyo kaalintooda waxa markaa ka socday dalka. Gobollo badan aan booqdo waliba xilliyo kala duwan si aan u fahmo isbeddelka socda ee horumarka u badan mararka qaarna dib-u-dhaca ah. Laga soo billaabo 1994 ilaa 2012 oo aan dalka soo degey, inta badan socdaal ayaan ku imaan jiray dalka sannad kasta. Waxaan xusuustaa sannadaha qaar aan imid saddex jeer.
Sidoo kale waxaan booqanayay meelaha ay Soomaalidu u qaxday ama ay u tagtay waxbarasho, caafimaad ama ganacsi.

Waxaa kale oo aan fursad u helay in aan curiyo fursado ay dad kale gacan igu siiyeen meelmarintooda sida mashruuc ay hantidiisa bixisay Beesha Yurub oo ay BBC ku tababbartay ku dhowaad dhammaan weriyayaashii Soomaalida ee berigaas. Mashruucaasi wuxuu socday in ka badan saddex sano. Xagga aqoonta waxaan bartay Cilmi Afeed iyo xiriirka caalamiga ah oo ay ka mid yihiin sida siyaasadda dhaqaalaha, diblomaasiyadda, qaanuunka caalamiga ah iyo amnigu ay isu saameeyaan. Haddii aan goostay in aan shaqadeydii ka tago, oo wax kasta oo aqoon iyo khibrad ama xataa dhiirri gelin aan awoodo ee aan waddankeyga ku biirin karo aan dalka la soo dego, waxaan u qabaa in aanay iga hor istaageyn in aan idaacad soo maamulay.
W/Q: Yusuf Garaad
Fiiro gaar ah: Wuxuu Yusuf Garaad oo ku daabacay qoraalkan markii ugu horreysay blogkiisa 6dii June, 2019kii.