Weriyaha warbixin ka sameeyay dad uusan la hadlin

0
950
Waa muuqaal uu baahiyay telefishinka Saab oo laga duubay dadka dawarsada

Telefishin ayaan ka daawaday warbixin looga hadlayo dadka tuugsada oo Hargeysa ku soo badannaya. Weriyaha, oo qof dumara ah, ayaa kaamiro la dultegtay dad meel fadhfadhiya oo tuugsanaya.

Korkooda ayay warbixin ka soo dirtay iyada oo leh “Dadka dawarsada ayaa ku soo badannaya Hargeysa. Waa dumar iyo carruur jidadka fadhfadhiista…” Iyada oo aan weli dadkaan ay iska duubanayso oo korkooda ka hadlayso wax su’aal ah ka weyddiin xaaladdooda, ayaa ay soo qabatay xariif kuusan oo ay tiri “Sheekh hebel ayaa markaanna nooga warramaya waxa ay diintu ka qabto dadka tuugsada.”

Waa muuqaal uu baahiyay telefishinka Saab oo laga duubay dadka dawarsada

Haddii ay weriye tahay, waxa ay ahayd sida ay u xiiseynayso ogaashaha waxa ay diintu ka qabto dad tuugsanaaya, in ay u xiiseyso ogaashaha waxa ay xirfadda saxaafaddu ka qabto in la iska duubto dad meel fadhiya oo aan ogolaasho la weyddiisan.

Soomaalidu xirfadihii xitaa waxay ka dhigteen wax la isugu awoodsheegto. Adoo jidka iska maraayo inta lagu qabqabto ayaa wadaad laguu geynaayaa, aasaa la leeyahay “Sheekhow ninkaan ayaan soo qabannay ee waxa ay diintu ka qabto noo sheeg?” Diinti ayay Isbitaalki Xabeeb camal ka dhigeen.