Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle oo ka hadlaya Dhismaha Golayaasha Deegaanka

0
724

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle ayaa ka hadlay golaha deegaanka oo la qorsheynayo in laga bilaabo dhowaan deegaano ka mid ah dowlad goboleedka Hirshabelle.
Maxamed Cali Caadle Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle ayaa sheegay si qalad ah loo tarjumay qaabka loo doonayo in lagu dhiso golaha deegaanka Hirshabelle.

“Xulista Golaha Deegaanka waxaa u xilsaaran Oday dhaqameedyada iyo Xildhibaanada ee ma aha guddi aan magacawnay dhowaan oo ah Guddi Xalin Khilaafaad oo ah guddi farsamo oo kaliya.”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaarada Arrimaha Gudaha aysan wax lug ah ku yeelan doonin soo xulista golaha deegaanka isagoo beeniyay warar sheegayay in wasaaradu ay xuli doonto xubnaha golaha deegaanka.

Warkan ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhowaan oday dhaqameedyo ka soo jeeda Hirshabelle ay ku eedeeyeen Wasaarada Arrimaha Gudaha Hirshabelle inay dhiseyo golayaasha deegaanada.

Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa wada haatan dadaalo uu ku doonayo in lagu dhiso golaha deegaanada Hirshabelle gaar ahaan magaalooyinka Jowhar iyo Buuloburte.