Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa cilmi-baarisyo heerkoodu sarreeyo kala qeyb qaadatey qaar ka mid ah Jamacaddaha ugu waaweyn dunida
- Imisa cilmi baaris?
Cilmi-baarisyadan oo uu hogaaminayey saynisyahan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Dr. Maxamed Cabdulqaadir Geeddi ayaa gaaraya saddex cilmi-baaris oo kala duwan waqtiyo kala duwanna la faafiyey. Waxaana kala qeyb qaatey seynisyahanno ka tirsan Jaamacado ku kala yaal dalalka UK, Malaysia, Saudi Arabia iyo Sudan.
Saddexdan cilmi-baaris oo ay Jaamacaddu ka qeyb qaadatey ayaa tii ugu danbeysey lagu faafiyey sanadkan 2019 jariirad sayniska ka faaloota lagana leehayey dalka boqortooyada Midowday (UK), laguna magacaabo “Food & Function” kana mid ah kuwa ugu waaweyn marka loo eego jariiradaha wax ka qora sayniska cuntada, nafaqada iyo dheef-shiidka. waxa ayna dhameystir u eheyd daraasad, iyada ka horeysey oo 2017 ka la faafiyey. waxeyse uga duwaneed in markaan la eegayey habka dheefshiidku sida uu uga faa’iideysan karo cuntooyinka nafaqada joogtada ah leh. Waxaana lagu tijaabiyey xayawaanada tijaabooyinka sayniska loo adeegsado ka hor inta aan la siin cuntada dadka caadiga ah. Waxaana kawada qeyb qaatey Jaamacadda Ummadda, Jaamacadda Nottingham “University of Nottingham” iyo Jaamacadda Liverpool “University of Liverpool” (Cinwaanka baaritaanka, baare yaasha iyo magaca Jamacadda Ummaddaba ka eeg lifaaqa sawirada).
Cilmi-baarista 2aad ayaa iyadana lagu faafiyey sanadkii 2017 jariirad ka tirsan madbacadaha ay faafiso bahweynta Springer-Nature, oo lagu magacaabo “Journal of Food Science & Technology” kana soo baxda dalka India. Waxa ayna ku saabsaneed sidii loo heli lahaa cunto leh nafaqo joogta ah, una fudud si qof waliba u helikaro dunida (Sustainable Sources for Food & Nutrition). Waxaana si wada jir ah uga wada qeyb qaatay Jaamacadda Umaddda iyo Jaamacadda Nottingham “University of Nottingham, UK”. Cinwaanka baaritaanka 2aad, baare yaasha iyo magaca Jamacadda Ummaddaba ka eeg lifaaqa sawirada.
Daraasadda 3aad ayaa sidoo kale lagu faafiyey jariirad sayniska ka faaloota oo ka soo baxda dalka Spain sandkii 2015, laguna magacaabo “International Journal of Fats and Oils” taas oo ku saabsaneed hab iyo tiknoolojiyad cusub oo looga soo saari karo malayga (kalluunka) kiimikada aashito-dufaneedka (fatty acids), nafaqo ahaan loo isticmaalo oo maskaxda iyo wadnaha u wanaagsan, loona yaqaan Omega 3.Jaamacadaha “Universiti Putra Malaysia”, “Sudan University of Science and Technology” iyo “University of Jeddah” ayaana kala qeybqaatey cilmi-baaristaan Jaaamacadda Ummadda. Cinwaanka baaritaanka 3aad, baare yaasha iyo magaca jamacadda Ummaddaba ka eeglifaaqa sawirada.
- Nuxurka cilmi-baarisyada
Marka la gaaro sanadka 2050 tira dadka adduunka oo hada ah abaaraha 7 bilyan oo qof ayaa waxa ay kor u dhaafi doontaa 9 bilyan, iyadoo dhinaca kalena cuntada nafaqada leh ay noqon doonto mid gabaabsi ah, dadka oo dhamina aaney wada heli karin.
Iyaga oo arintaas ka duulaya ayaa saynis yahanadani waxa ay baadi goob u galeen qaabkii lagu helilahaa cunto nafaqo fiican, si joogto ahna loo heli karo, isla markaana, dheef-shiidku si sahlan u shiidki karo, si nafaqada ku jirta jirku markiiba u nuugi karo.
Cilmi-baare yaashu waxa ay hadaba ku guuleysteen in ay qaab fudud banaanka u soo dhigan qeybta nafaqadu ku jirto ee khudaarta ama caleemaha cagaaran ee geedaha, taas oo ah fikrad markii ugu horeysey caalamka loo isticmalayo qeybo ka mid ah unugyada “chloroplasts” cunto ahaan. Waxaa kaloo daraasadda 2-aad lagu ogaaday in kaloora-balaastada ama laastikada-cagaaran dheefshiidku si sahlan ku burburin karo si jirku uga faa’iideysto, marka lala barbar dhigo cunitaanka caleenta cagaaran oo sideeda ah.
kaloora-balaastada waxaa ka buuxa fitimiinada sida vitamin A, vitamin E, iyo Lutein. Vitamin A waxa uu muhiim u yahey araga, caafimaadka maqaarka, ilkaha, difaaca jirka, korida unugyada jirka iyo kuwa kale.
Vitamin E, waxa uu ka hortagaa burburka ku yimaada unugyada jirka (waxa loo yaqaan Anti-oxidant). Lutein waxaa uu qeyb lixaad leh ka qaataa araga qeybta ‘Macula’ ee isha, taas oo inoo ogalaata in aan midabyada aragno kalana saarno, Lutein ayaa sidoo kale ka ilaaliya qeybtaan in ay ku dhacaan iftiinnada qaar si toos ah si aysan isha wax ugu dhimin. Sidoo kale Lutein waxa uu jirka ka ilaaliyaa burburka unugyada (antioxidant).
Nafaqadaan cusub ee saynis-yahanadu heleen waxaa kaloo ka mid ah in chloroplast-da ay ka buuxaan aashito-dufaneed (fatty acids) nuuca omega-3 loo yaqaan, kuwaas oo muhiim u ah xubnaha sida maskaxda iyo wadnaha.
- Maxey ka faa’iideysaa Jaamcdda Ummadu?
Kala qeyb qaadashaJaamacda Ummadda Soomaaliyeed ay baaritaano cilmiyeysan oo heer sare ah la sameyneyso jaamacado waaweyn oo dunida ka tirsan sida Jaamcadda Nottingham oo ka mid ah 100 ka Jaamacadood ee adduunka ugu wanaagsan marka loo eego kala horeysiinta Jaamcadaha ee QS ayaa u keenaya Jaamacadda magac iyo aqoonsi ay ka hesho bahda sayniska iyo cilmibaarista ee caalamka, taas oo ay Jaacamacaddu ku dalban karto maal galin caalami ah, mid gobol ama Qaran. Jaamcadda Nottingham waxa ay billadda “Nobel Price” ku heysataa qeybo kala duwan oo cilmiga sayniska iyo dhaqaalaha la xariira sida, soo curintii caalamka ay u soo saartey qalabka dadka la dhex galiyo ee “MRI Scan”, si jirka meeshi loo baahdo loogu arko.
Baaritaanda cilmiyeysan ee nuucaan ah ayey ugu danbeysey Jaamcadda Ummaddu in ay sameyso ka hor burbukii dalka ee 1991, waxa ayna Jaamacaddu ku rajo weyntahey in ay la timaado qalab iyo macmalo casri ah oo u suurta galin kara in si madax banaan ay gudaha dalka uga sameyn karto baaritaano cilmi ah oo heerkoodu sarreeyo si loo horumariyo kheyraadka faraha badan ee dalkeena, loogana faa’iideysto; iyada oo cilmiga iyo tiknoolajiyadda casriga ah la adeegsanayo.
- Jaamcadda Ummadda shaley iyo Maanta
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waa tan kali ah ee hada dowladi leedahey, qarashkeedana bixiso. Waxay bixisaa wax barasho tayo wanagsan oo lacag la’aan ah. Waa Jaamacad taariikh ahaan miisaan culus leh, ayana ka soo baxeen madax dalka soo martey iyo aqoonyahanno dunida caan ka ah. Waxey ka soo faracantey Machadkii sare ee dhaqaalaha iyo sharciga ee uu sameeyey Talyaanigu 1953. Waxaa si rasmi ah dib u magacabis loogu sameeyey 1969. In tii aysan xirmin 1990 Jaamacadda waxaa dhaganeysay qiyaastii 7,500 ardey oo dhigan jirey 11 kuliyadood. Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey in dib loo furo Jamacadda Nov. 2013. Dowladi Federalka ee xiligaas ayaana dib u furtey August 2014. Waxaana lagu bilaabey xaruntii Shabeele iyo 6 kuliyadood oo kala ah: 1) Kulliyadda beeraha iyo cilmiga deegaanka, 2) Kulliyadda caafimaadka, 3) Kulliyadda xanaanada xoolaha, 4) Kulliyadda dhaqaalaha iyo maamulka, 5) Kulliyadda waxbarashada, 6) iyo kulliyadda qaanuunka. kadib waxaa Jaamacadda usoo gacan galay xaruntii KM4 ee kulliyadii farsamada macalimiinta. Waxaana markaa ka dib lagu sii biiriyey Jaamcadda saddex kulliyadood oo kala ah 1) kulliyadda Injineeriya, 2) kulliyadda darsaadka Islaamka, 3) iyo kulliyadda saxaafadda. Kadib waxaa hadana gacanta usoo galay Jaamacadda xaruntii ugu weyned ee Gahayr oo u dhow ex-control Afgooye. Waxaa ka maqan Jaamacadda 4 Xarumood oo kale oo ay dadaal ugu jirto sidii loo soo celin lahaa kadibna loo howl gelin lahaa kuwaas oo kala ah: 1) Xaruntii hore ee kulliyadda caafimaadka ee u dhow Ex- Digfeer (Erdogan Hospital), 2) Xaruntii hore ee kulliyadda cilmiga siyaasadda, 3) Xaruntii hore ee kulliyadda waxbarashada macalimiinta ee lafoole 4) iyo Xaruntii hore ee kulliyadda beeraha Afgooye. Jaamacaddu hadda sanad walba waxa ay qaadataa 1000 -1500 arday oo imtixaanka laqaado ugu sareeya, lacag la,aanna wax kubarta.Kudhawaad 300 oo macalimiin oo heysta shahaadooyin sare iyo takhasuyo kala duwan ayaa ka howl gala. Marka macalinkaasi jaamacadda soo galayo waxaa lasoo marsiiyaa Guddi qiimeeyn oo PANAL ah oo tartansiiyo, kagadaalna baraha ugu sareeya ee kuguuleysto qiimeynta PANALKA ayaa la qaataa. Waxaa bilaha soo socda ilaa bisha May 2019 qalin jabinaya dufcaddii uhoreysay ka dib marki dib loo furey jamacada Ummadda Soomaaliyeed
- Waa kuma cilmi-baaaruhu
Hormuud ka cilmi-baaristaan Dr.Geeddi oo haatan si “iskaa wax uqabso” ama “is xilqaan” ah ugu shaqeeya Jaamacadda Ummadda kana saacida dhanka cilmi-baarista, ayaa horey uga qalin jabiyey dugsiga sare ee Al-Hikma ee magaalada Muqdisho, waxa uu Jamacadiisii 1aad ku sameeyey Jaamacadda Sudan “Sudan University of Science and Technology’’ ee dalka Sudan, halka uu heerkii 2aad ee master kiisiina ku sameyey Jamacadda Putra (Universiti Putra Malaysia) ee dalka Malaysia, isaga oo PHD-ka qaatey Jaamacadda Nottingham (Nottingham University) ee dalka UK, taas oo uu hadda ka yahey cilmi-baare sare (Research Fellow).
- Mahad celin
Cilmi-baare yaashu waxey mahad balaaran u jeedinayaan Bankiga Horumarinta Islaamka (Islamic Development Bank) oo ka taageerey qaar ka mid ah baaritaanadaan dhanka maaliyadda.
Hadii aad u bahantahay faah-faahin dheeri ah ama rogaalku saabsan cilmi-baaris yadaan, booqo lifaaqyada hooseee cilmi baaraha 1aad Dr.gedi halkaas oo sidoo kale aad ka heli karto cilmi-baarisyo dheeri ah: